Saturday, April 4, 2026

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta dadaallada nabadaynta, iyadoo hoggaamiyuhu uu Odeyaasha kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo dib-u-heshiisiinta bulshada dhexdeeda.

Hoggaamiye Jabriil ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka Koonfur Galbeed uu mudnaan gaar ah siinayo nabadda, wada noolaanshaha iyo xasilloonida, isagoo xusay in horumar dhab ah lagu gaari karo oo keliya marka ay jirto bulsho mideysan oo nabad ku wada nool.

Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ayaa si diirran u soo dhaweeyay kulanka, iyagoo ballanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar laga gaaro deegaanada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyay Odeyaasha kaalintooda muuqata, wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu adeegayaan bulshada.

Kulamadan ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Baydhabo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu maanta halkaasi ka bilaabo kulamo wadatashi ah oo uu la yeelanayo siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha KMG koofur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji,...

NISA oo Duqeysay Kuunya Baroow, kuna dishay horjoogayaal Al-shabaab ah

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa...

Wasiir Fiqi oo si adag Weeraray Golaha Mustaqbalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin...

Puntland oo qaadaysa talaabo ka dhan ah Wasiirada cusub

Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo...

Trump oo dalbaday in la kordhiyo Miisaaniyada Difaaca

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka codsaday Aqalka hoose...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles