Sunday, March 1, 2026

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen oo hanjabaad u diray Soomaaliland kadib aqoonsiga Israa’iil

Hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, Cabdulmalik Al-Xuutii, ayaa markii ugu horreysay si toos ah ugu hanjabay in ay beegsan doonaan joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato Somaliland, kaddib go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland dal madax-bannaan.

Khudbad uu ka jeediyay kanaalka Al-Masirah oo ay Xuuthiyiintu leeyihiin, ayuu Al-Xuutii ku sheegay in xarun ama joogitaan Israa’iil ku yeelato Somaliland ay u arkaan bartilmaameed ciidan.

Wuxuu hadalkiisa ku saleeyay in tallaabadaasi tahay, sida uu yiri, “gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen,” isla markaana khatar ku ah amniga guud ee gobolka.

“Waxaan u aragnaa joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato Gobolka Somaliland bartilmaameed ciidan oo ay beegsanayaan ciidamadeenna, maadaama uu yahay gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana khatar ku ah amniga gobolka,” ayuu yiri Al-Xuutii.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa intaas ku daray in ay diyaar u yihiin qaadista dhammaan tallaabooyinka taageero ee ay awoodaan, si ay, sida uu hadalka u dhigay, u garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay “tallaabo cadawtinimo ah” oo ujeedadeedu tahay in lagu fuliyo hawlo khatar ku ah amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Al-Xuutii ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay doonayso inay Somaliland ka dhigato saldhig ay ka fuliso hawlo ka dhan ah Soomaaliya, dalalka Afrika, Yemen iyo guud ahaan dunida Carabta.

Wuxuu baaq u diray dalalka Carabta iyo Islaamka, isaga oo ku adkeeyay in la qaato mowqif mideysan oo adag, laguna garab istaago Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland, oo 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah. Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diidday tallaabadaas, kuna adkeysanaysa in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Tani waa hanjabaaddii ugu horreysay ee si toos ah uga timaadda Xuuthiyiinta Yemen oo ka dhan ah Somaliland tan iyo markii ay Israa’iil shaacisay aqoonsigeeda.

Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil ayaa maanta baahisay in xiriirka ay Israa’iil la yeelanayso Somaliland uu u fududeyn karo ciidankeeda cirka inay weerarro ka fuliyaan gudaha Yemen, kuwaas oo ka ballaaran kuwii hore ee ay Israa’iil ka geysatay goobaha ay Xuuthiyiintu ka taliyaan.

Arrintan ayaa sii kordhinaysa xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee gobolka, iyadoo ay isa soo tarayaan falcelinta caalamiga ah ee ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles