Saturday, February 14, 2026

Iiraan oo ku tilmaantay Maraykanka soo saaraha ugu khatarta badan Nukliyeerka

Maalin uun ka dib markii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amray in dib loo bilaabo tijaabooyinka hubka Nukliyeerka, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi sheegay inuu aaminsan yahay in tallaabada Trump ay muujinayso in ”Maraykanku yahay soo saaraha ugu khatarsan ee hubka nukliyeerka adduunka.”

Waxa uu ku daabacay bartiisa X, Oktoober 30, Khamiis ”Iyada oo u beddelaysa magacii wasaaradda gaashaandhiga, wasaaradda dagaalka, awoodda nukliyeeka ku hubaysan ayaa bilaabaysa tijaabooyinkeeda hubka nukliyeerka.”

Shalay, Arbaco, kahor kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, Donald Trump ayaa sheegay inuu amray xooghayihiisa dagaalka inuu dib u bilaabo tijaabooyinka nukliyeerka si uu u ”’dheelitiro awoodda waddam ay kamid yihiin Ruushka iyo Shiinaha.” Maraykanka ayaa hakiyay tijaabooyinka muddo ka badan 30 sano.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa sidoo kale qoray ”Isla kan xoogga sheeganaya ayaa ka dhigaya barnaamijka nabadeed ee Nukliyeerka Iiraan inuu u muuqdo mid khatar ah una goodinaya inuu qaadayo weeraro dheeraad ah oo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka ee ku hoos jira difaaceena. Dhamaan talaabooyinkan ayaa ah kuwa si cad u socda.”

Iiraan mar kasta waa ay beenisaa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay mid milatari, ayna tahay xubin NPT (Heshiiska ka hortaga faafinta hubka nukliyeerka) oo ay xaq u leedahay inay sii waddo kobcinta yuraanyoomta iyo barnaamijkeeda nukliyeerka iyada oo hoos imaanaysa kormeerka hay’adda caalamiga ee tarmarta atoomikada (IAEA).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Maxay ka wadahadleen wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Kulmay...

Kenya oo dib u furaysa xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya ayaa dib u furi doonta xuduuddeeda ay la...

Booliska Kenya oo xiray Nasir Cige iyo eedeynta loo haysto

Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in...

RW Xamsa oo xalay la kulmay madaxda Mucaaradka ee la celiyay xerada Xalane

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles