Monday, April 6, 2026

Ilhan Cumar oo ka badbaaday isku day dil iyo faahfaahino ka soo baxaya weerarka lagu qaaday

Nin ayaa rabshad ka abuuray kulan dadweyne oo ay qabanaysay xildhibaanad Ilhaan Cumar kaddib markii uu ku saydhiyay dareere aan la aqoon waxa uu yahay oo lahaa ur aan habboonayn.

Kulkanka dadweyne ayaa ka dhacayay Minneapolis Talaadadii, xilli ay cambaareynaysay tallaabooyinka Hay’adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE) ee ku sugan Minnesota.

Muuqaal bahay ayaa muujinaya nin si degdeg ah ugu soo ordaya xildhibaanadda oo taagnayd masraxa, kuna buufinaya dareere. Nin kale oo weyn ayaa islamarkiiba qabtay, dhulka ku tuuray kana hor istaagay.

Ilhaan ayaa dhowr tallaabo u qaadday dhinaciisa iyadoo gacanta kor u taagtay ka hor inta aan la xakameyn ninkaasi, kaddibna waxay sii wadatay khudbaddeedii kaddib hakad kooban oo dhacay.

Ilhaan Cumar ayaa ka hadashay weerar xalay loogu geystay meel ay khudbad ka jeedineysay.

“Intii lagu jiray hoolka magaalada, nin kicin wada ayaa isku dayay inuu weerar ku qaado haweeneyda Congress-ka isagoo ku buufiyay wax aan la garaneynin oo cirbad ku jira, Nabadgelyada iyo Booliska Minneapolis ayaa si deg deg ah u soo qabtay shakhsiga, hadda waa la xiray, haweeneyda Congress-ka way fiican tahay. Waxay sii wadatay khudbaddeeda sababtoo ah uma oggola kuwa cagajuglaynta wada inay guuleystaan.”” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta baraha bulshada ee Ilhaan.

Qoraal ay soo dhigtay barta X, Ilhaan waxay ku tiri: “Waan fiicanahay. Waxaan ahay qof badbaaday, marka kicintan yar ima cabsigelin doonto inay iga horjoogsato gudashada shaqadayda. Uma oggolaado cagajugleeyeyaasha inay guuleystaan.”

Dhacdada ka dib, Ilhaan ayaa dadka hoolka joogay u sheegtay “waan sii wadi doonnaa… Minnesota ayaanu nahay kuwo xooggan”.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles