Warbaahinta Press TV, oo ah telefishinka fka Ingiriisiga ku baxa oo ay Iiraan, ayaa sheegtay in Ciidanka Badda ee ilaalada kacaanka Iran uu qaban doono dhoolatus iyaga oo isticmaalaya rasaas, wxaana dhoolatuska lagu qaban doonaa gacan biyoodka Hormuz maalmaha soo socda.
Kanaalka Al Jazeera, isagoo soo xiganaya ilo aan magac la sheegin oo Iiraani ah, ayaa sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay qeyb ka yihiin tababarkan.
Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan weli kama jawaabin joogitaanka labadaas dal ee tababarka.
Associated Press ayaa sidoo kale warisay in Iiraan ay Khamiistii ku dhawaaqday, iyada oo ogeysiis u dirtay shirkadaha maraakiibta, in dhoola-tus badda ay ka dhici doonaan Marinka Hormuz.
Marinkan waa wadada ugu muhiimsan ee dhoofinta shidaalka adduunka, isagoo isku xira soo-saareyaasha ugu waa weyn ee shidaalka ku leh Gacanka Faaris, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Iiraan, iyo Ciraaq


