Saturday, May 2, 2026

Israa’iil oo duqeyn ku dishay 20 qof kadib shaacinta heshiiska la gaaray

Duqeyn xaga cirka ah oo ay fulisay Israa’iil ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof oo ku nool magaalada Qasa, kadib markii la shaaciyay heshiiska xabad joojinta iyo siideynta maxaabiista oo ay gaareen Xamaas iyo Israa’iil.

Warkan werark la xiriira waxaa laga soo xigtay hay’adda difaaca rayidka ee ay maamusho Xamaas ee Qasa.

Duqeyntan ayaa dhacday xalay, dadka dhibanayaashana waxaa ku jiray 12 qof oo ku noolaa xaafad ku taal xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gasa, sida ay sheegtay hay’addu.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil.

Iyadoo lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta, weli ma aysan ansixin golaha wasiirada ee Israa’iil, haddii la ansixiyana ma dhaqan-geli doono illaa maalinta Axadda.

Israa’iil ayaa hore duqeymo xagga cirka ah fulisay iyadoo uu dhaqan galayay heshiisyo xabbad-joojineed oo hore loo gaaray oo ay ku jirto tii ugu dambeysay ee Lubnaan, halkaas oo duqaymaha culus lagu garaacay caasimadda Beirut saacado yar ka hor xabbad-joojintii halkaas ka dhacday bishii November.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in cutubkii ugu horreeyay...

Wasiiro, siyaasiyiin & Xildhibaano ku qulqulaya Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay...

Iran oo xoojisay awoodeeda Milateri, lana soo baxday hub cusub

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa baahisay warbixin...

Soomaali Mindi ku weeraray dad Yuhuud ah oo dacwad lagu soo oogay

Ciise Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles