Wednesday, July 2, 2025

Jubbaland oo ka hortimid qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka

Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si adag u cambaareeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay nuxurka iyo qodobadii kasoo baxay shirkaasi “mid aan waafaqsanayn Dastuurka KMG ah iyo shuruucda dalka”.

“Go’aannadaasi waxay wiiqayaan geeddi-socodka federaalka iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay kulanka Golaha Wasiirrada.

Ugu dambeyn, Jubbaland waxay ugu baaqday dowladda Federaalka inay ilaaliso Dastuurka KMG ah iyo habraacyada sharciyeed ee lagu dhisayo maamulada, iyadoo laga fogaanayo tallaabo kasta oo dhaawici karta midnimada dalka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa habeenkii xalay ku baaqay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ay soo saarto talo sharci ah oo lagu wajaho xaaladda Jubbaland, si loo helo dowlad-goboleed leh sharciyad buuxda.

Jubbaland ayaa horey u shaacisay inay wadashaqeynta kala laabatay Dowladda Federaalka, iyadoo ku eedeysay in dowladda dhexe ay u shaqeyso si u eg shirkad gaar ah oo ku kooban Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa isaguna dhankiisa sheegay in go’aan kasta oo kasoo baxa Dowladda Federaalka aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin jiritaanka Jubbaland.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles