Wednesday, February 25, 2026

Jubbaland oo ka hortimid qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka

Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si adag u cambaareeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay nuxurka iyo qodobadii kasoo baxay shirkaasi “mid aan waafaqsanayn Dastuurka KMG ah iyo shuruucda dalka”.

“Go’aannadaasi waxay wiiqayaan geeddi-socodka federaalka iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay kulanka Golaha Wasiirrada.

Ugu dambeyn, Jubbaland waxay ugu baaqday dowladda Federaalka inay ilaaliso Dastuurka KMG ah iyo habraacyada sharciyeed ee lagu dhisayo maamulada, iyadoo laga fogaanayo tallaabo kasta oo dhaawici karta midnimada dalka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa habeenkii xalay ku baaqay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ay soo saarto talo sharci ah oo lagu wajaho xaaladda Jubbaland, si loo helo dowlad-goboleed leh sharciyad buuxda.

Jubbaland ayaa horey u shaacisay inay wadashaqeynta kala laabatay Dowladda Federaalka, iyadoo ku eedeysay in dowladda dhexe ay u shaqeyso si u eg shirkad gaar ah oo ku kooban Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa isaguna dhankiisa sheegay in go’aan kasta oo kasoo baxa Dowladda Federaalka aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin jiritaanka Jubbaland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Israa’iil oo yimid dal Soomaaliya daris la ah

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa Arbacada saaka ah yimid...

Baarlamanka oo maanta loo qeybinayo cutubyadii ugu dambeeyay ee Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare...

Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo khudbad u jeedinaya Congress-ka,...

Madaxweynaha Soomaaliland oo dhawaan la filayo inuu tago Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa dabayaaqada bisha Maarso...

Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan danjire...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles