Saturday, February 21, 2026

Kulanka Golaha Shacabka ee BFS oo maanta Kooram la’aan u baaqday

Fadhigii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee lagu waday inuu qabsoomo maanta oo Sabti ah ayaa baaqday, kaddib markii aan la helin xubno ku filan oo buuxiya tirada sharciga ah Kooramka ee lagu bilaabi karo kulanka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa si adag u cambaareeyay maqnaanshaha joogtada ah ee xildhibaanno badan, isaga oo mar kale digniin u diray xubnaha aan ka soo qeyb galin fadhiyada muhiimka ah ee Golaha, sida uu sheegay Habdhowraha Golaha Shacabka oo fariin ka siday guddoonka Golaha Shacabka.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo sharci ah oo ka dhan ah xubnaha si joogto ah uga baaqda kulamada, iyagoo ku dooday in arrintani dhaawaceyso sumcadda iyo shaqada hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Fadhiyada Golaha Shacabka ayaa horyaala ajendayaal Muhiim ah, kuwaasi oo u baahan in ay ka doodaan xildhibaanada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta baaqday

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa...

Qarax lagu xiray gaari uu lahaa sarkaal Boolis ah oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya,  Cabdulqaadir...

Trump oo shaaciyay lacagta uu Mareykanka ku bixinayo dibu dhiska Gaza

Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixin doono...

Q.M oo ku baaqay in Tanaasul ay muujiyaan madaxda DFS iyo hoggaanka Mucaaradka

Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay wadahadalladii u dhexeeyay xukuumadda federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles