Fadhigii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee lagu waday inuu qabsoomo maanta oo Sabti ah ayaa baaqday, kaddib markii aan la helin xubno ku filan oo buuxiya tirada sharciga ah Kooramka ee lagu bilaabi karo kulanka.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa si adag u cambaareeyay maqnaanshaha joogtada ah ee xildhibaanno badan, isaga oo mar kale digniin u diray xubnaha aan ka soo qeyb galin fadhiyada muhiimka ah ee Golaha, sida uu sheegay Habdhowraha Golaha Shacabka oo fariin ka siday guddoonka Golaha Shacabka.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo sharci ah oo ka dhan ah xubnaha si joogto ah uga baaqda kulamada, iyagoo ku dooday in arrintani dhaawaceyso sumcadda iyo shaqada hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
Fadhiyada Golaha Shacabka ayaa horyaala ajendayaal Muhiim ah, kuwaasi oo u baahan in ay ka doodaan xildhibaanada.