Wednesday, March 4, 2026

Kulanka Golaha Shacabka oo maanta looga hadlay amniga Saybarka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 28-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka Golaha ka yeeriyey liiska magacyada Xildhibaanada ka maqan kulanka Golaha gaar ahaan kuwa fasaxa rasmiga ah heysta iyo kuwa fasax la’aanta uga maqan.

Intaasi ka dib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ku muteystay soo xaadiritaanka kulamada golaha iyo shaqada uu ka qabtay guddiga uu ka tirsanyahay iyo sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ku muteystay wax qabadkiisa ku aadan arrimaha bulshada.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, waxaana warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha u faahfaahiyey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimow oo ka mid ah Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, iyadoo xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen qodobada hindise sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya inuu ku soo daro dooda iyo aragtiyada Xildhibaanada islamarkaana akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles