Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkaas, xilli uu taagan yahay khilaaf culus oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo K/Galbeed.
Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyadoo la faray inuu si deg-deg ah u howlgalo, isla markaana uu guda-galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Ujeedada dhismahan guddigan ayaa ah inuu si gaar ah uga shaqeeyo doorashada golaha wakiillada K/Galbeed iyo midda madaxweynaha, oo uu haatan muran ka taagan yahay, iskuna hayaan maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka K/Galbeed oo garab ka helaya dowladda dhexe.
Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda labada dhinac oo isku rogtay gacan ka hadal, waxaana hadda ay u muuqataa in Lafta-gareen u bareeray in doorasho iskiis ah uu ku qabsado Baydhabo, isagoo qaaday waddadii Axmed Madoobe oo horay doorasho gaar ah ugu qabsaday Kismaayo.



