Saturday, March 21, 2026

Lafta gareen oo tababar u soo xiray Ciidamo cusub

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah Tababar ugu u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed.

Cutubyadan ayaa intii uu tababarku usocday lagu baray xirfado muhiim ah oo la xiriira ilaalinta amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidanka dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda ee ah ka hortaga cid waliba oo lid ku ah dowladnimada koonfur galbeed.

Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in Dowlad Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo laga gaaro gobolka isagoo uga mahadceliyey Ciidanka AUSSOM gaar ahaan Dowlada Itoobiya oo gacan ka gaysanaysa tababarka ciidanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey dhammaan Wasiirada, saraakiisha amniga iyo guud ahaan shacabka koonfur galbeed sida ay ugarab taaganyihiin ciidamada oo utaagan ka hortaga duulanka cad ee ay kuso qaaday DFS.

WARARKII KALE

Xildhibaano ka soo jeeda KGS oo lagu xanibay garoonka Muqdisho

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda...

Maamulka G/Bakool iyo kan Xudur oo qaadacay Lafta gareen

Maamulka Gobolka Bakool iyo Degmada Xuddur oo si adag...

DFS oo magacowday Taliyaha Qeybta Booliska G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali...

Ciidamada KGS ee ka baxay Baraawe oo gaaray Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada...

MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee KGS

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles