Wednesday, November 12, 2025

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si kulul uga hadlay hadal ka soo yeeray xubno ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas oo lagu sheegay in musharaxa rasmiga ah ee caasimadda uu yahay Muungaab. Madaale ayaa arrintan ku tilmaamay nasiib-darro weyn isla markaana sheegay inay tahay mid aan la aqbali karin.

Gudoomiye Madaale ayaa carbaabay in Xisbiga JSP uu leeyahay nidaam u degsan oo aan qof walba xaq u lahayn inuu si gooni ah u magacaabo musharaxa, isagoo xusay in musharixiinta marka hore ay maraan tartan hoosaad ka hor inta aan lagu dhawaaqin musharax rasmiga ah.

Sidoo kale, Madaale ayaa sheegay in Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, looga baahan yahay inuu cadeeyo cidda ka dambeysay hadalkaas islamarkaana uu raali-gelin ka bixiyo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Madaale ayaa sheegay in Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo.

Gudoomiye Madaale ayaa ugu dambeyn ku adkeystay in nidaamka iyo tartanka gudaha xisbiga la ixtiraamo, isla markaana la joojiyo magacaabista musharixiinta ka hor intaan tartanku dhicin.

WARARKII KALE

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda...

Mas’uuliyiin xasaanad leh iyo maleeshiyaad lagu eedeeyay colaadda Wanlaweyn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa degmada Wanlaweyn...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles