Tuesday, April 7, 2026

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si kulul uga hadlay hadal ka soo yeeray xubno ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas oo lagu sheegay in musharaxa rasmiga ah ee caasimadda uu yahay Muungaab. Madaale ayaa arrintan ku tilmaamay nasiib-darro weyn isla markaana sheegay inay tahay mid aan la aqbali karin.

Gudoomiye Madaale ayaa carbaabay in Xisbiga JSP uu leeyahay nidaam u degsan oo aan qof walba xaq u lahayn inuu si gooni ah u magacaabo musharaxa, isagoo xusay in musharixiinta marka hore ay maraan tartan hoosaad ka hor inta aan lagu dhawaaqin musharax rasmiga ah.

Sidoo kale, Madaale ayaa sheegay in Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, looga baahan yahay inuu cadeeyo cidda ka dambeysay hadalkaas islamarkaana uu raali-gelin ka bixiyo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Madaale ayaa sheegay in Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo.

Gudoomiye Madaale ayaa ugu dambeyn ku adkeystay in nidaamka iyo tartanka gudaha xisbiga la ixtiraamo, isla markaana la joojiyo magacaabista musharixiinta ka hor intaan tartanku dhicin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles