Tuesday, February 4, 2025

Madaxweynaha Hirshabelle oo Shir Gudoomiyay Kulan Looga Hadlayay Hormarka Caasimada Jowhar.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maamulka Caasimada iyo Golaha Deegaanka Degmada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhiggay sida uu uga shaqeeyo caasimada Jowhar mashruuca Dowlad-kaab oo ay iska kaashadaan Dowladda Soomaaliya, UNDP, UN-HABITAT iyo UNICEF.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu gorfeeyay amniga, bilicda, dhismayaasha, dhiirogelinta dalxiiska iyo maamul-wanaaga magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku ammaanay howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaqada baaxada leh ay waqtigaan gacanta ku hayaan.

“Wadajir aan ugu guntano horumarka caasimada, dhawaan dhismaha waddooyinka ayaa soo idlaan doono haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray dhammaan dhinacyada ay quseyso horumarinta caasimada in lagula xisaabtami doono howlaha ay gacanta ku haayaan.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo qaabilay wafdi ka socda dalka Masar

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed,...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 04/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Israel oo sheegtay in nin hubeysan ay ku dishay Daanta Galbeed

Militeriga Israel waxay sheegeen in ciidankooda ay dileen nin...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabbilay safiirka Falastiin ee Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo...

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles