Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa Arbacada saaka ah yimid magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Waa booqasho rasmi ah oo uu madaxweynaha Israa’iil ku tegay Itoobiya.
Markii uu Madaxweyne Herzog ka degay Gegida diyaaradaha ee Bole International Airport, waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gedion Timothewos iyo Wasiiru-dowlaha, Danjire Berhanu Tsegaye.
Warkan oo la soo dhigay bogga Facebook-ga ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa lagu sheegayu in inta uu joogo dalka, Madaxweyne Herzog waxa la filayaa inuu wadahadallo kala la yeesho saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda kuwaas oo la xirriira arrimaha xoojinta xiriirka labada dal.


