Wednesday, February 25, 2026

Madaxweynaha Soomaaliland oo dhawaan la filayo inuu tago Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa dabayaaqada bisha Maarso ee nagu soo aaddan booqan doona Israa’iil, sida uu sheegay telefishanka qaranka Somaliland.

Qoraal uu telefishanka soo dhigay barta Facebook-ga, ayaa lagu sheegay in booqashadan noqon doonto booqashadii ugu horeysay ee uu madaxweynaha si rasmi ah ugu tego Israa’iil.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in labada dhinac ay xoogga saari doonaan dhinacyada tiknoloojiyadda, beeraha iyo hal abuurka.

Disembar dhammaadkeedii 2025, markii Israa’iil, si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay aqoonsadeen Somaliland, waxaa ay dhalisay walaac gobolka ku baahay.

Soomaaliya ayaana xilligaas Golaha Ammaanka ka codsatay kulan degdeg ah oo ku aadan arrintan. Wuxuu Maraykanka xilligaas golaha ku eedeeyey ‘laba wajiilayn’.

‘Horraantii sannadkan, dalal badan, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha, waxay qaateen go’aan keli ahaaneed (unilateral) oo ah inay aqoonsadaan dawlad Falastiin. Si kastaba ha ahaatee, la isuguma yeedhin wax kulan degdeg ah oo goluhu kaga hadlayo, arrintaas sida ay golaha ka dhex sheegtay Ambassador Tammy Bruce oo ah Kuxigeenka ergayga Maraykanka ee ku Metela Qaramada Midoobay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Israa’iil oo yimid dal Soomaaliya daris la ah

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa Arbacada saaka ah yimid...

Baarlamanka oo maanta loo qeybinayo cutubyadii ugu dambeeyay ee Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare...

Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo khudbad u jeedinaya Congress-ka,...

Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan danjire...

Pakistaan iyo Taalibaan oo xiisad ay ka dhex taagan tahay

Af-hayeenka Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ee Warbaahinta Dibadda, Musharraf Zaidi,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles