Sunday, March 1, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cadeeyay kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tahay guul taariikhi ah, islamarkaana xoojineysa kaalinta dalka ee difaaca arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha oo waraysi uu siiyey kanaalka “Al-Arabiya” ku sheegay in “Soomaaliya hore ugu fariisatay Golaha Ammaanka sanadkii 1972, waxaana tani tahay markii labaad ee la doorto xubinta aan joogtada ahayn,” isagoo tilmaamay in dalki “ka qayb qaato doodo badan oo Golaha ah, isaga oo matalaya Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in “Soomaaliya ay si cad ugu taagan tahay arrimaha Falastiin,” isagoo xusay in dalka “mas’uul ka yahay difaaca arrimaha dunida Islaamka iyo wakiil ka noqoshada dalalka nugul ee la kulma caqabado amni oo la mid ah kuwa aanu la kulannay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in “Soomaaliya ay tahay dal yar oo leh ajende caalami ah oo kooban, balse ka tirsan dalalka dhexdhexaadka ah , mana taageerto koox ka dhan ah mid kale,” isagoo carabka ku adkeeyey in joogitaankeeda Golaha Ammaanka uu yahay “si loo adeeggo danaha dadka aanu matalno.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles