Saturday, March 7, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu kaga qayb galayo Meertada 25-aad ee Shir madaxeedka sanadlaha ah ee Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika,(EAC).

Madaxweynaha ayaa kulanka ka jeedindoona khudbad ku saabsan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo isku xirka bulshooyinka dalalka xubnaha ka ah Ururka, isaga oo kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dalalka gobolka ee Shirka ka qayb galaya.

Shir madaxeedka 25-aad ee Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa sanadkan lagu falanqeynayaa ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga dalalka gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Masar iyo Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sida ay baahisay Egypt today wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Tanzania

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safraya dalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles