Saturday, March 7, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee Shir Madaxeedka caadiga ah ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, halkaas oo Madaxda dalalka xubnaha ka ah ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Madasha kusoo bandhigay guulaha muuqda ee Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo dhammeystirka Dastuurka dalka, isaga oo muujiyay sida Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika.

Intii uu Shirku socday, waxaa madasha kulanka lagu dhaariyay, Garsoore Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi oo ka mid noqday Garsoorka Maxkamadda Cadaaladda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kaasi oo fagaaraha Cadaalladda Ururka ku matali doona Soomaaliya.

Shir Madaxeedka Ururka EAC ee sanadkan ayaa diiradda lagu saaray Xoojinta Isdhexgalka Gobolka iyo fududeynayo Ganacsiga Xuduudaha ka Gudba, waxaana hoggaaminta sanadlaha ah ee shir guddoonka Urur Goboleedka Iskaadhiga Dhaqaalaha Bariga Afrika la wareegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni oo xilka kala wareegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Samoei Ruto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah...

Masar iyo Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sida ay baahisay Egypt today wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Tanzania

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safraya dalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles