Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safraya dalka Tanzania si uu uga qeyb galo shir ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan East African Community, oo loo yaqaan Bulshada Bariga Afrika.
Shirkan oo ah kulankii 25-aad ee caadiga ah ee madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika ayaa lagu qaban doonaa magaalada Arusha 7-da Maarso 2026, waxaana ka qeyb geli doona madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, horumarinta dhaqaalaha gobolka, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyo dardargelinta mashaariicda wadajirka ah ee lagu hormarinayo dalalka Bariga Afrika.
Sidoo kale, madaxda shirka ka qeybgaleysa ayaa ka wada hadli doona arrimaha amniga gobolka, xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka, iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha horumarineed ee ay wadaagaan.
Soomaaliya oo dhowaan ku biirtay Bulshada Bariga Afrika ayaa dadaal ku bixinaysa sidii ay uga faa’iideysan lahayd fursadaha dhaqaale, ganacsi iyo iskaashi ee ka dhex jira dalalka gobolka, iyadoo ka qeybgalka shirka la filayo inuu xoojiyo doorka Soomaaliya ee ururka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Bariga Afrika.


