Tuesday, November 4, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan La Qaatay Dhigiisa Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada Labada shacab.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSOM), qorshuhuna uu yahay in dhawaan ay si buuxda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa”Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay...

Wadamada Carabta iyo Islaamka oo ku baaqay in ciidamada Israa’iil si degdeg ah uga baxaan Qaza

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka...

Booliska Canada oo xiray nin cadaan ah oo weeraray qoys Soomaaliyeed

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Edmonton ayaa...

Weerar lagu qaaday markab ganacsi oo marayay xeebaha Muqdisho iyo Cabsi xooggan oo ka dhalatay

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday markab ganacsi oo...

Pakistan ciidamo ma u diri doontaa Qaza

Pakistan ciidan ma u diri doontaa Gaza? Afhayeenka ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles