Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo wareed oo Mareykan ah, Israa’iil, iyo Bariga Dhexe ah, kuwaas oo sheegay in Mareykanka, Iiraan, iyo koox dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socda gobolka, ay ka wada hadlayaan shuruudaha xabbad-joojin 45 maalmood ah oo horseedi karta in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.
Warbaahinta Reuters weli ma aysan xaqiijin warbixinta. Aqalka Cad iyo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka midna kama jawaabin codsiyada Reuters ee ku aaddan inay faallo ka bixiyaan.
Warbixintu waxay tilmaamtay in dhexdhexaadiyayaashu ay ka wada hadlayaan shuruudaha heshiis laba marxaladood ah, iyadoo marxaladda koowaad ay tahay, xabbad joojin suurtagal ah oo 45 maalmood ah oo inta lagu jiro wadahadallada la qaban doono si loo soo afjaro dagaalka si joogto ah.
Warbixintu waxay sheegtay, in wejiga labaad uu noqon doono heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.
Wuxuu intaas ku daray in ay suurtogal tahay in la kordhiyo xabad joojinta haddii loo baahdo waqti dheeraad ah oo wadahadallo ah.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii u sheegay Wall Street Journal in waqtiga kama dambaysta ah ee uu siiyay Iiraan si ay furto marin biyoodka Hormuz, ama ay weerarro ku qaadaan kaabayaasha muhiimka ah uu ku eg yahay fiidnimada Talaadada caawa.


