Tuesday, April 7, 2026

Maxkamada Racfaanka Galgaduud oo qaadaysa kiiskii rag lagu eedeeyay dilka Hooyo iyo Caruurteeda

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in ay maalinta Arbaca, 5-ta Nofeembar 2025, dhageysan doonto dacwadda racfaanka ee lagu soo oogay saddex eedeysane oo loo haysto dilkii naxdinta lahaa ee hooyo Soomaaliyeed iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Warqad rasmi ah oo ay soo saartay Maxkamadda Racfaanka, kuna taariikheysan 29-ka Oktoobar 2025, ayaa lagu amray Taliyaha Saldhigga degmada Dhuusamareeb in uu diyaarsho eedeysanayaasha si ay uga soo qeybgalaan dhageysiga maxkamadda.

Dacwaddan oo leh sumadda MRGG/DCL/002/2025, ayaa la xiriirta eedeysanayaasha kala ah:

1. Cabdi Cusmaan Cabdullaahi – 23 jir, ku dhashay Godinlabe, degana Caadakabir.

2. Ayuuub Maxamed Cabdi – 25 jir, ku dhashay Cadaado, degana Caadakabir.

3. Galad Axmed Xuseen – 23 jir, ku dhashay Cadaado, degana Caadakabir.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil qorshaysan oo argagax leh oo ka dhacay degaanka Caadakabir dhowr bilood ka hor, halkaas oo lagu dilay hooyo Soomaaliyeed iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Falkan ayaa gilgilay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana si weyn loogu cambaareeyay baraha bulshada iyo warbaahinta.

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa horey xukun ugu ridday eedeysanayaasha, hase yeeshee qareennadooda ayaa racfaan ka qaatay go’aankaas, taas oo keentay in kiiskii dib loogu celiyo Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Galgaduud si loo dhageysto mar kale.

Maxkamadda Racfaanka ayaa sheegtay in kulanka dhageysiga dacwadda uu ka dhici doono magaalada Dhuusamareeb saacadda 10:00 subaxnimo, iyadoo la filayo in ay ka soo qeybgalaan qareennada difaacaya, xeer-ilaalinta guud ee Galmudug, iyo mas’uuliyiin ka socota hay’adaha garsoorka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles