Saturday, November 1, 2025

Maxkamada Racfaanka Galgaduud oo qaadaysa kiiskii rag lagu eedeeyay dilka Hooyo iyo Caruurteeda

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in ay maalinta Arbaca, 5-ta Nofeembar 2025, dhageysan doonto dacwadda racfaanka ee lagu soo oogay saddex eedeysane oo loo haysto dilkii naxdinta lahaa ee hooyo Soomaaliyeed iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Warqad rasmi ah oo ay soo saartay Maxkamadda Racfaanka, kuna taariikheysan 29-ka Oktoobar 2025, ayaa lagu amray Taliyaha Saldhigga degmada Dhuusamareeb in uu diyaarsho eedeysanayaasha si ay uga soo qeybgalaan dhageysiga maxkamadda.

Dacwaddan oo leh sumadda MRGG/DCL/002/2025, ayaa la xiriirta eedeysanayaasha kala ah:

1. Cabdi Cusmaan Cabdullaahi – 23 jir, ku dhashay Godinlabe, degana Caadakabir.

2. Ayuuub Maxamed Cabdi – 25 jir, ku dhashay Cadaado, degana Caadakabir.

3. Galad Axmed Xuseen – 23 jir, ku dhashay Cadaado, degana Caadakabir.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil qorshaysan oo argagax leh oo ka dhacay degaanka Caadakabir dhowr bilood ka hor, halkaas oo lagu dilay hooyo Soomaaliyeed iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Falkan ayaa gilgilay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana si weyn loogu cambaareeyay baraha bulshada iyo warbaahinta.

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa horey xukun ugu ridday eedeysanayaasha, hase yeeshee qareennadooda ayaa racfaan ka qaatay go’aankaas, taas oo keentay in kiiskii dib loogu celiyo Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Galgaduud si loo dhageysto mar kale.

Maxkamadda Racfaanka ayaa sheegtay in kulanka dhageysiga dacwadda uu ka dhici doono magaalada Dhuusamareeb saacadda 10:00 subaxnimo, iyadoo la filayo in ay ka soo qeybgalaan qareennada difaacaya, xeer-ilaalinta guud ee Galmudug, iyo mas’uuliyiin ka socota hay’adaha garsoorka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir uu dhowaan Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweynaha hirshabelle oo magacaabay wasiiru dowlaha wasarada arrimaha gudaha

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein aya ayaa...

Xaalad adag oo ka taagan magaaladii ay dib u qabsadeen RSF ee dalka Suudaan

In ka badan 60,000 oo qof ayaa ka cararay...

Madaxweyne xasan sheikh oo gaaray dalka masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Samia Suluhu oo ku guuleysatay doorashaa Muranka Dhalisay ee Tanzania

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles