Saraakiisha ugu sareysa amniga qaranka ayaa madaxweyne Donald Trump ku war geliyay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin weerar suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan Sabtida, laakiin ma jiro go’aan kama dambays ah oo uu Trump ka gaaray weerarka.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay CBS Newsee Mareykanka, oo bah wadaag la ah BBC-da, in waqtiga kama dambaysta ah ee tallaabada suurtagalka ah aan la go’aamin oo ay xitaa dhaafi karto Sabtida.
Saraakiisha ayaa sidoo kale u sheegay CBS, in Madaxweyne Trump uusan weli gaarin go’aan kama dambays ah oo uu ku weerarayo Iiraan, halka Aqalka Cad uu si joogto ah ugala tashanayo arrinta, halkaas oo la tixgelinayo khataraha la xiriira tallaabadan, jawaabaha suurtagalka ah, iyo cawaaqib xumada siyaasadeed iyo militari ee ka dhalan karta weerarka.
Waaxda difaaca ee Mareykanka (Pentagon) ayaa si ku meel gaar ah u rari doonta qaar ka mid ah shaqaalaha ka jooga Bariga Dhexe una wareejin doonta Yurub ama Mareykanka saddexda maalmood ee soo socota si looga fogaado aargoosiga Iiraan haddii tallaabo la qaado.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah diyaargarowga caadiga ah mana aha macnaheedu in weerar uu soo socdo, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa diiday inuu ka hadlo arrintan.
Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Caroline Levitt, ayaa tiri, “Waxaa jira cudurdaarro badan oo lagu weerarayo Iiraan, laakiin mudnaanta koowaad ee madaxweynuhu had iyo jeer waa diblomaasiyadda”


