Wednesday, January 14, 2026

Milateri Soomaaliya oo Yaaqbariweyne ka baadi goobaya rag ay xukun ku riday Maxkamada ciidamada

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed ayaa si buuxda ula wareegay amniga Deegaanka Yaaq Bari-Weyne ee hoostaga Degmada Wanla-weyn, kadib howlgallo qorsheysan oo lagu xaqiijinayay amniga iyo fulinta sharciga.

Intii ay howlgalladu socdeen, ciidamada ayaa fasaxay gaadiid fara badan oo muddo afduub ugu haysteen deegaankaas koox hubeysan oo dhowaan maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu cirib tiro falalka amni-darrada ah ee ka jira gobolka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa kulan rasmi ah la qaatay odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka deegaanka, iyagoo kala hadlay sidii bulshada looga qeybgelin lahaa soo qabashada ragga ku xukuman dilka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku dhuumanayaan deegaanada u dhow.

Howlgalka ayaa weli socda, waxaana lagu wadaa in lagu ballaariyo deegaanada kale ee hoos yimaada degmada Wanla-weyn si loo xaqiijiyo ammaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada...

DFS oo ka hadashay ciidanka Danab ee ka tagay Puntland ee gaaray Laascaanood

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ciidanka...

Madaxweyne Firdhiye oo amar siiyay ciidanka Danab ee ka yimid Garoowe

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)...

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Madaxda DFS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe), ayaa ka...

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles