Wednesday, January 14, 2026

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, Maxamuud Cabdi Cusmaan, oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika, ayaa xalay lagu dilay gudaha dukaankiisa ku yaalla xaafadda Philipi ee magaalada Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya in dilku ka dhacay dukaanka uu ka shaqeynayay, iyadoo aan la sheegin wax dhac ah oo dukaanka lagu geystay.

Booliska Koofur Afrika ayaa tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaanno la xiriira falkaas.

Sidoo kale, Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika looma arko inay qaaddo dadaalladii looga baahnaa ee lagu difaaci lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaa ku ganacsada una badan dad danyar ah oo nolol u raadsaday.

Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin dhacdadan foosha xun, mana jiraan qorshe muuqda oo ay Dowladda Federaalka ugu wajahdo ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika.

Sanad walba Soomaalida badan ayaa lagu beegsadaa gudaha Koofur Afrika, waxaana loo geystaa dilal, dhaawacyo iyo dhac joogto ah, iyadoo aan la arkin wax tallaabo amni ah oo dhab ah oo dowladda dalkaasi qaaddo si loo yareeyo dhibaatada.

WARARKII KALE

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

Dowladda Mareykanka oo sheegtay sababta aysan Soomaalida u sii joogi karin Maraykanka

Xogahayaha amniga gudaha ee Mareykanka karis Noem ayaa faahfaahin...

Wasiir Cali Balcad oo xog cusub ka bixiyay safarka qarsoon ee Muqdisho lagu keenay Caydaruus Al-Subeydi

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay...

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Degdeg Uga Baxaan Iiraan

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles