Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid ayaa la filayaa inuu maanta oo Khamiis ah ay gaaraan Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo kacsan kadib isbeddelkii dhowaan ka dhacay hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Safarka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli meesha laga saaray Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen, taasoo dhalisay baahi loo qabo in si degdeg ah loo dejiyo xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee Maamulka.
Maalin ka hor, wafdi horudhac ah oo ka kooban saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaaray Baydhabo, iyagoo diyaarinaya soo dhoweynta iyo kulamada Madaxweynaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamul kumeel-gaar ah u magacawday Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxaa socda dedaallo lagu abuurayo kulamo looga hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta iyo Mustaqbalka Dowlad-Goboleedkaas isbaddelka galay.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo dejin lahaa xaaladda kacsan, loo xoojin lahaa amniga, iyo sidii loo qaban lahaa doorashooyin lagu soo doorto hoggaan cusub oo Koonfur Galbeed ah.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dadaallada dowladda federaalka ay ku dooneyso xasillinta siyaasadda iyo dib u dhiska kalsoonida shacabka ee maamulka Koonfur Galbeed.


