Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay shir wadatashi oo ballaaran, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.
Wararka ayaa sheegaya in shirka uu diiradda saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, is-afgarad qaran, iyo jihada mustaqbalka ee dowladnimada Soomaaliya, xilli uu dalka wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah.
Waxaa la filayaa in maanta ay magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, uu shalay soo gaaray caasimadda kaddib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Dhanka kale, wali ma cadda in shirka ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, inkastoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha uu gogol wadatashi oo ballaaran u fidiyay dhammaan madaxda dalka, si looga arrinsado masiirka guud ee Soomaaliya iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
Shirkan ayaa imanaya ku soo aadaya xili wadanka uu wajahayo xiisad diplomaasiyeed oo ka dhashay aqoonsiga ay Israaiil siisay Maamulka Soomaaliland.


