Wednesday, January 14, 2026

MW Xasan Sheekh oo markale ka hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, taasi oo uu ku kacay maamulka Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xadgudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo ay barbar socoto dhageysiga iyo ka garowsiga dhammaan tabashooyinka Gobollada Waqooyi.

Waxa uu madaxweynuhu fariin u diray shacabka gobollada Waqooyi isagoo yiri “Shacabka Soomaaliyeed ee Waqooyigow ictiraafka idin kama jiro, Natanyaahu ee waxa uu dinka jiraa dowladda iyo shacabka Soomaliyeed oo aad wadaagtaan diin iyo dadnimo.”

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in midnimada Soomaaliya tahay lama taabtaan isagoo ka hadlayana wuxuu yiri Madaxweyne Xasan “Waxaan cadeynayaa in JFS ay tahay dal xor ah, dhulkiisana aan lagu kala goyn karin warqad uu qoray Netanyahu. Qorshaha Israa’iil waa hirgelinta saldhigyo milatari oo qalqal gelinaya amniga gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Bariga Dhexe.”

WARARKII KALE

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

Dowladda Mareykanka oo sheegtay sababta aysan Soomaalida u sii joogi karin Maraykanka

Xogahayaha amniga gudaha ee Mareykanka karis Noem ayaa faahfaahin...

Wasiir Cali Balcad oo xog cusub ka bixiyay safarka qarsoon ee Muqdisho lagu keenay Caydaruus Al-Subeydi

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay...

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Degdeg Uga Baxaan Iiraan

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles