Thursday, March 5, 2026

MW Xasan Sheekh oo markale ka hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, taasi oo uu ku kacay maamulka Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xadgudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo ay barbar socoto dhageysiga iyo ka garowsiga dhammaan tabashooyinka Gobollada Waqooyi.

Waxa uu madaxweynuhu fariin u diray shacabka gobollada Waqooyi isagoo yiri “Shacabka Soomaaliyeed ee Waqooyigow ictiraafka idin kama jiro, Natanyaahu ee waxa uu dinka jiraa dowladda iyo shacabka Soomaliyeed oo aad wadaagtaan diin iyo dadnimo.”

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in midnimada Soomaaliya tahay lama taabtaan isagoo ka hadlayana wuxuu yiri Madaxweyne Xasan “Waxaan cadeynayaa in JFS ay tahay dal xor ah, dhulkiisana aan lagu kala goyn karin warqad uu qoray Netanyahu. Qorshaha Israa’iil waa hirgelinta saldhigyo milatari oo qalqal gelinaya amniga gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Bariga Dhexe.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles