Sunday, March 22, 2026

Nin qaraxyo kusoo qariyay Darmuusyo oo la qabtay

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa deegaanka ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa gacanta ku soo dhigay nin oday ah oo lagu eedeeyay in uu qaraxyo magaalada soo galinayay.

Saraakiisha ciidanka ammaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ayaa sheegay in laga shakiyay darmuusyo iyo agabyo kale uu waday ninkan, waxaana baaris kaddib laga helay agabkaasi qaraxyo lagu soo qariyay.

Ninkan ciidamada ammaanka qabteen lagu magacaabo Abuukar Illey, waxaana la sheegay ninkan in horey looga shakiyay looguna xiray xabsiga magaalada Xarardheere, ayaa markii dambe qaab damiin ah lagu siidaayay.

Laamaha ammaanka degmada Xarardheere , ayaa hadda baaritaanno dheeraad ah ku sameenaya ninkan qaraxyada loo soo dhiibay, waxa ayna saraakiisha baarayaan cidda usoo dhiibtay qaraxyada iyo cidda lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xildhibaano ka soo jeeda KGS oo lagu xanibay garoonka Muqdisho

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda...

Lafta gareen oo tababar u soo xiray Ciidamo cusub

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta...

Maamulka G/Bakool iyo kan Xudur oo qaadacay Lafta gareen

Maamulka Gobolka Bakool iyo Degmada Xuddur oo si adag...

DFS oo magacowday Taliyaha Qeybta Booliska G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali...

Ciidamada KGS ee ka baxay Baraawe oo gaaray Baydhabo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles