Saturday, April 4, 2026

NISA oo Duqeysay Kuunya Baroow, kuna dishay horjoogayaal Al-shabaab ah

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa shaaciyay in duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunya Baroow ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in bartilmaameedka duqeynta uu ahaa xarun lagu farsameyn jiray miinooyinka iyo gaadiidka qaraxyada loo adeegsado.

Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu dilay horjooge Abiikar Nuur oo mas’uul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan oo ahaa makaanigii ugu weynaa kooxda ee sameynta baabuurta qaraxyada.

Taliska NISA ma soo bandhigin sawirada xubnaha ay sheegtay in la dilay.

Qoraalka ayaa u qornaa:-

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, April 04, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Howlgalladan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe, iyada oo lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijta u yaaleen matoorro waaweyn oo ay u adeegsan jireen farsameynta miinooyinka iyo qaraxyada. Halkaas waxaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix dhagarqabe oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Abiikar Nuur oo masuul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan oo ahaa Makaanigii ugu weynaa argagixisada ee farsameynta baabuurta qaraxyada.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ee isla Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarij ah oo gabbaad ka dhiganayay goob kayn ah. Seddex dhagarqabe ayaa lagu dilay howlgalkan, waxaana lagu kala firdhiyay maleeshiyaadkii halkaas ku dhuumaaleysanayay, taas oo wiiqday abaabulkii kooxda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha KMG koofur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Fiqi oo si adag Weeraray Golaha Mustaqbalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Puntland oo qaadaysa talaabo ka dhan ah Wasiirada cusub

Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo...

Trump oo dalbaday in la kordhiyo Miisaaniyada Difaaca

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka codsaday Aqalka hoose...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles