Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa al-Shabaab.
War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, ayaa lagu yiri:Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere, kaas Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir, kaddib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo”.
Qoraalka ayaa intaasi ku daraya in howgalkaan ay fuliyeen ciidamo si gaar ah u tababaran. “Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay Horjoogaha ayaa toogtay kaddib markii uu isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan”.
Ciidanka NISA, ayaa sheegay in sarkaalkaan ay muddo ku raadjoogeen isla markaana ugu dambeyn ay u suurta gashay in ay dilaan


