Monday, December 1, 2025

Oday da’a ah oo aano qabiil darteeda loogu dilay Caabudwaaq

Wararka ka imaanaya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka waaberigii halkaas lagu dilay Allaha u naxariistee Cabdi Ciise Qooleey, oo ahaa aqoonyahan iyo odey bulshada aad looga yaqaanay.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay ku weerareen marxuumka xilli uu ka soo baxay salaadda Subax, iyagoo dhowr xabadood ku dhuftay kadibna goobta ka baxsaday. Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, weerarka kadib marxuumka ayaa goobta laga qaaday.

Wararka  ayaa intaas ku daraya in dilka uu la xiriirayo aano qabiil oo maalmihii u dambeeyay ka taagneyd degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, taas oo sababtay xiisad soo kordheysa oo u dhaxeysa beelo halkaas wada dega.

Dilka Cabdi Ciise Qooley ayaa qeyb ka noqonaya kordhinta dilalka salka ku haya aanooyinka qabiilka ee kusoo badanaya deegaanada maamulka Galmudug, halkaas oo weli madaxda maamulka aanay ka hadlin kiisas dhowaan dhacay oo la mid ah.

Ehelada marxuumka iyo bulshada deegaanka ayaa ka naxay falkaas, iyagoo ugu baaqay dowladda iyo maamulka Galmudug in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo dilalka joogtada ah.

Wararka ka imaanaya Caabudwaaq ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan, balse weli lama soo sheegin cid loo qabtay falkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Netanyahu oo maxkamad hor tagay raalligelinna bixiyay

Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii maxkamad ka soo...

Hindiya oo ka hadashay xaalad cusub oo ka soo korortay gobolka ay isku hayaan Pakistan ee Kshmir

Gobolka Kashmir qaybta ay maamusho Hindiya, Taliyaha Guud ee...

Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Magaalada...

Boqollaal qof oo ku dhintay dalka Indonesia

Kooxaha gurmadka degdegga ah ee Indonesia ayaa weli wada...

Galmudug oo ka horyimid shaqsiyaad uu magacaabay Xisbiga MW Xasan Sheekh iyo Khilaaf ka taagan

Maamulka Galmudug ayaa si adag uga horyimid shaqsiyaad uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles