Saturday, February 28, 2026

Oday da’a ah oo aano qabiil darteeda loogu dilay Caabudwaaq

Wararka ka imaanaya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka waaberigii halkaas lagu dilay Allaha u naxariistee Cabdi Ciise Qooleey, oo ahaa aqoonyahan iyo odey bulshada aad looga yaqaanay.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay ku weerareen marxuumka xilli uu ka soo baxay salaadda Subax, iyagoo dhowr xabadood ku dhuftay kadibna goobta ka baxsaday. Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, weerarka kadib marxuumka ayaa goobta laga qaaday.

Wararka  ayaa intaas ku daraya in dilka uu la xiriirayo aano qabiil oo maalmihii u dambeeyay ka taagneyd degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, taas oo sababtay xiisad soo kordheysa oo u dhaxeysa beelo halkaas wada dega.

Dilka Cabdi Ciise Qooley ayaa qeyb ka noqonaya kordhinta dilalka salka ku haya aanooyinka qabiilka ee kusoo badanaya deegaanada maamulka Galmudug, halkaas oo weli madaxda maamulka aanay ka hadlin kiisas dhowaan dhacay oo la mid ah.

Ehelada marxuumka iyo bulshada deegaanka ayaa ka naxay falkaas, iyagoo ugu baaqay dowladda iyo maamulka Galmudug in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo dilalka joogtada ah.

Wararka ka imaanaya Caabudwaaq ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan, balse weli lama soo sheegin cid loo qabtay falkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles