Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka, kadib markii Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland uu soo saaray warqad rasmi ah oo lagu farayo wasiirrada cusub inay soo gudbiyaan hantidooda gaarka ah.
Warqadda ayaa lagu amray dhammaan wasiirrada, wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru dowlayaasha cusub inay muddo bil gudaheed ah ku diiwaangeliyaan hantidooda, si loo caddeeyo waxa ay lahaayeen kahor intaanay xilalka la wareegin.
Ujeedada tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo daahfurnaanta maamulka, laguna hubinayo in mas’uuliyiintu aysan si sharci darro ah u kordhin hantidooda inta ay xilka hayaan.
Sidoo kale, Xafiiska Hantidhawrka ayaa faray mas’uuliyiinta xilka ka degaya inay la soo xiriiraan xafiiska, si loo sameeyo hubin iyo xisaabtan la xiriira hantidooda, loona ogaado haddii wax isbeddel ah ku yimid muddadii ay xilka hayeen.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ka gaabisata fulinta amarkan, iyadoo la adeegsanayo dastuurka iyo shuruucda kale ee u degsan Puntland.


