Saturday, February 28, 2026

Ruushka oo weerar ku ekeeyay Ukraine

Ruushka ayaa sii waday weerarradiisa cirka ee Ukraine xalay, saacado kadib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu sheegay inuu “wadahadal aad u miro-dhal ah” oo qadka taleefoonka ah uu la yeeshay kooxda dhexdhexaadoyeyaasha ee Donald Trump, taasoo ka dambeysay saddex maalmood oo kulamo wadahadallo ah oo ka dhacay Florida.

Duqa magaalada Kremenchuk, oo ah xarun warshadeed oo weyn oo ku taal bartamaha Ukraine, ayaa sheegay in magaalada si isdaba joog ah loogu geystay weerar “baaxad leh”. Ilaa hadda lama xaqiijin wax dhimasho ah.

Dhanka kale, Ruushka ayaa sheegay inuu soo riday 77 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo laga lahaa Ukraine, kuwaas oo ku sugnaa goobo kala duwan.

Duqeymaha cirka ayaa sii socday xitaa iyadoo dadaallada wada-xaajoodka nabadeynta dagaalka la sii xoojinayay, oo ay ku jiraan wadahadallo faahfaahsan oo u dhexeeyay Ukraine iyo Mareykanka oo ka dhacay Miami, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu diyaariyo heshiis nabadeed oo ay labada dhinacba aqbali karaan.

WARARKII KALE

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

Deni, Sheekh Shariif iyo mucaaradka oo isaga tagaya Muqdisho, kadib fashilkii ku yimid shirka

Xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles