Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay si gooni gooni ah guryahooda ugu booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.
R/wasaare Xamse iyo madaxdii hore ee dalka ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gogosha wada hadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in gogosha dowladda ay markasta fidsantahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-halista arrimaha taagan.
Kulankii ay qaateen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre oo xubin ka ah Golaha Mustaqbalka.
Kulamadan ayaa waxaa ay ka dambeeyeen , kadib markii Golaha Mustaqbalka ay sheegeen in xarunta Xalane gaar ahaan hotel Airport laga celiyay madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo RW hore Maxamed Xuseen Rooble oo ka qaybgeli lahaa kulan ay yeelan lahaayeen Madaxda Jubbaland iyo Puntland.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamka sugidda amniga garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.


