Weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn ayaa lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Baqdaad, iyadoo la beegsanayay saldhig militari oo Mareykanku leeyahay iyo xarun diblomaasiyadeed.
Sida ay sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah, weerarka drone-ka ah oo dhacay wax yar kaddib saqdii dhexe ee Jimcaha ayaa lagu bartilmaameedsaday dhismaha garoonka Baqdaad, halkaas oo ay ku yaallaan saldhig militari iyo xarun diblomaasiyadeed oo Mareykan ah.
Sarkaal amni ayaa u sheegay AFP in “garoonka diyaaradaha lagu weeraray dhowr jeer” iyadoo la isticmaalayo diyaarado aan cidi wadin iyo gantaallo.


