Monday, September 1, 2025

Saraakiil ka socda Masar oo yimid Muqdisho

Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Masar ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo u yimid hawlgal qiimeyn iyo kuur-galid ah ka hor inta aanay Ciidanka Masar si rasmi ah u iman Soomaaliya kuna soo biirin Hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika.

Wafdiga, oo uu hoggaaminayay Sareeye Guuto Islam Radwan, waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan AUSSOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxay kulan la yeesheen madaxda AUSSOM oo uu hoggaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyagoo ka qeybgalay xog-warran amni oo ka dhacay Taliska Guud ee Ciidanka AUSSOM.

Inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya, wafdiga ayaa kormeer ku tagi doona xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo goobaha hawlgalka, kuwaas oo loo qorsheeyay in ay noqdaan saldhigyo dejin iyo saadka ciidanka Masar ee imanaya Soomaaliya.

WARARKII KALE

Ruushka oo looga shakiyay in uu carqaladeeyay diyaarad ay la socotay madaxweynaha Midowga Yurub

Ruushka ayaa lagu eedeeyay carqaladeyn kadib markii uu shaqeyn...

Wararka ugu dambeeya khasaaraha dhulgariirka Afgaanistaan

Buuraleyda fog ee gobolka Kunar, Syed Raheem wuxuu taagan...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Ee BFS oo Furay Kulanka Banbaxa Ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Maxkamada ciidamada oo saaka dil toogasho ku fulisay rag ka tirsanaa Al-shabaab

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saaka markale dil toogasho...

Fanaanka Safwaan Halac oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Hargeysa

Waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Fanaanka caanka ah ee...

Puntland iyo Jubbaland oo war ka soo saaray Xaalada siyaasadeed ee dalka iyo eed ay u jeediyeen MW Xasan Sheekh

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles