Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Soomaaliya, soona noqday Wasiirka Warfaafinta DFS ayaa sheegay inuu iska casilay kursigii Xildhibaanimo ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Cismaan Dubbe ayaa laga soo xigtay inuu ka tanaasulay Qaddiyaddii uu aaminsanaa ee Soomaaliya, waxaan la filayaa inuu ku laabto Hargeysa, kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland
Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan:-
“War nimanyahow kala quusanaye qoomamo la’aada” Cismaan Dubbe
“Saddex sanadood baan Baarlamaanka iyo dariiqyada Xamar la’ taagnaa waar dadka Reer Somaliland dhibta ka daaya! Kursigaagii miyaad ka samirtay baa la iigu jawaabi jirey! Kursiga in uu ka mihiimsan yahay damiirku ayaan maanta u sheegay Xamar ragga xukuma. Aniga oo kursigii fadhiya ayaanan maanta iska casilay sidii ay adeeraday hore u sameeyeen 1980. War nimanyahow kala quusanaye qoomamo la’aada” ayuu yiri Dubbe oo qoraal uu ku daabacay Bartiisa Facebook.


