Wednesday, March 12, 2025

Soomaaliya iyo Tanzania oo saddex heshiis kala saxiixday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kula saxiixday seddex heshiis Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka iyo Cayaaraha ee dalka Tanzania, Hon. Prof. Palamagamba John Aidan Mwaluko, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi, Hon. Innocent Lugha Bashungwa.

Heshiisyada saxiixa lagu duugay ayaa kala ahaa iskaashiga bedqabka iyo nabad-gelyada, is-dhaafsiga maxaabiista xukuman iyo Is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca horumarinta afafka Sawaaxiliga iyo dhaqanka.

Munaasabadani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo Agaasime ku xigeenka madaxtooyada (Villa Somalia), Mudane Maxamed Amiin Cismaan.

Heshiisyadani ayaa xoojinaya xiriirka laba geesoodka ee labada dal u dhexeeya, gaar ahaan isdhaafsiga maxaabiista ayadoo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada dalka Tanzania, kuwaasoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaynayso in ay la soo wareegto, dibna dalka hooyo ugu soo celiso.

Waxaa xusid mudan in Af Sawaaxiliga oo ka mid ah afafka rasmiga ah ee Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo Soomaaliya ay xubin ka tahay, kuna hadlaan inta badan dowladaha ku habaysan ururkaasi ayaa la isla gartay horumarinteeda.

Waxay ahayd 19 December, 2024 markii caasimadda Muqdisho labada dal wasiirro kala matalayey ay kala saxiixdeen afar heshiis oo muhiim ah oo isugu jirey; iskaashiga siyaasadeed ee labada dal, Gaashaandhigga, Caafimaadka iyo Dalxiiska.

WARARKII KALE

Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte oo la xiray – Maxaa lagu haystaa

Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Talaadada maanta...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 11/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday askar ku soo dhaawacanta hawlgalka Khawaarijta ka dhanka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddiga madax bannaan ee doorashooyinka oo shahaado guddoonsiiyay ururka midowga Soomaaliya

Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha hirshabeelle oo si adag u cambaareeyay weerarkii argagixisada ee ka dhacay Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles