Sunday, March 1, 2026

Tababar ay SEDO Somalia u qabatay beeralayda cirbiye

Waxaa maanta Hay’adda SEDO Somalia ka fulisay tuulada cirbiye oo hoos tagta degmada Laasqoray mashruuc ku saabsan sidii beeralayda tayadooda kor loogu qaadi lahaa, waxaan tababar arrimahaas ku saabsan loo sameeyey beeraladayda  deegaanka.

Tababarkan oo ay fulinayeen khuburo ka socotay hay’adda SEDO Somalia ayaa ku saabsanaa hab beerashada wanaagsan, sida loo maareeyo dallagyada, sida loola dagaalamo cayayaanka curyaamiya beeraha iyo sida loo dejiyo qorshaha mustaqbal ee waxsoosaar.

Sidoo kale waxay hay’addu dayactir ku sameysay dhawr ceel biyood oo ay beeralaydu u isticmaali jireen waraabka beeraha, waxayna u qeybisay beeraladayda deegaanka qalabka wax beerashada sida

badiilo, sakeelo, garweynayaal, kaariyoono iyo tuubooyinka biyaha qaada.

Hay’adda SEDO Somalia ayaa ka shaqeysa deegaanka iyo arrimaha bulshada gobolka Sanaag ayaa ka fulisay mashaariic kala duwan oo beddelay nolosha dadka ku dhaqan gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles