Saturday, March 7, 2026

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta iyo askari dhac geystay oo la qabtay

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha Caasimadda Muqdisho.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo amniga Caasimadda, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya rag falal dhac ah u geysanaya shacabka.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in ciidanku ay soo xireen eedaysane D/le Liiban Mustaf Aadan, kaas oo ku eedeysan falal dhac isdaba joog ah oo uu ka geystay dhowr degmo oo ka mid ah Muqdisho.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

“Gudaha Caasimadda lama oggola in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko. Askarigii ku xadgudba awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Hodan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane D/le Liiban Mustaf Adan, oo ku eedaysan dhac is xig-xiga oo uu ka gaystay dhowr degmo oo ka mid ah Caasimadda.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Boliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo.

Boliiska Caasimadda wuxuu bulshada ku wargelinayaa in haddii ay dhac ama fal amni-darro la kulmaan, ay si degdeg ah u tagaan saldhiga ugu dhow ama ay wacaan number-ka gaaban 991, si tallaabo degdeg ah looga qaado dadka falalkaas fulinaya.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagaya, iyadoo ciidamada amniga ee kala duwan ay juhdi badan gelinayaan sugidda amniga Caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah...

Masar iyo Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sida ay baahisay Egypt today wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles