Saturday, April 4, 2026

Trump oo dalbaday in la kordhiyo Miisaaniyada Difaaca

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka codsaday Aqalka hoose ee Baarlamanka Maraykanka kordhinta miisaaniyadda difaaca ilaa iyo $1.5 tiriliyan, taas oo noqonaysa ballaarintii ugu weynayd ee nooceeda ah tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Tani ayaa waxaa kamid ah maalgelinta nidaamka difaaca gantaallada ee loo yaqaan ‘’Golden Dome’’ oo uu soo jeediyay maamulka Trump iyo sidoo kale xoojinta warshadaha dhismaha maraakiibta ciidamada badda ee gudaha oo ay ku jiraan maraakiibta dagaal oo cusub ee loo bixiyay ‘’Trump’’

Dhanka kale Guud ahaan xubnaha ka tirsan laanta adeegga Maraykanka ee ku dhaawacmay tallaabooyinka weerarada ee tan iyo bilowgii dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah ay ku qaadeen IIraan ayaa gaaysay 365 xubnood.

Tirada dhaawacyada ee laamaha ciidamada hubaysan ee Maraykanka ayaa kala ah

Ciidamada Milatariga – 247, Ciidamada badda – 82 iyo Ciidamada Cirka oo ah 36.

Weli dhimashada ayaa taagan 13 xubnood

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha KMG koofur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji,...

NISA oo Duqeysay Kuunya Baroow, kuna dishay horjoogayaal Al-shabaab ah

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa...

Wasiir Fiqi oo si adag Weeraray Golaha Mustaqbalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Puntland oo qaadaysa talaabo ka dhan ah Wasiirada cusub

Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles