Monday, March 23, 2026

Trump oo hakiyay duqeymaha Iran 5 maalmood, wada-hadallo xasaasi ah oo furmay

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay in dowladda Mareykanka ay si ku-meel-gaar ah u hakisay weerarradii militari ee ka dhanka ahaa dalka Iran, kadib wada-hadallo socda oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda Bariga Dhexe.

Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Trump ayaa sheegay in 48-dii saac ee u dambeysay ay jireen wada-hadallo “wax ku ool ah oo miro dhal ah” oo dhex maray Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo diiradda saaraya xal kama dambeys ah oo laga gaaro colaadda.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuu amar ku bixiyay in muddo 5 maalmood ah dib loo dhigo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo xarumaha tamarta iyo kaabayaasha Iran, si fursad loo siiyo wadahadallada socda.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisad xooggan ay ka taagan tahay gobolka, iyadoo Mareykanka horey ugu goodiyay inuu weeraro ka fulin doono goobaha tamarta Iran haddii aysan Tehran wax ka beddelin mowqifkeeda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xiisaddu sii kordhayso, iyadoo Iran ay ka digtay in ay tallaabooyin culus qaadi doonto haddii weerarro lagu qaado, taas oo sare u qaadday cabsida dagaal ballaaran oo ka qarxa gobolka.

Tallaabada Trump ee dib u dhigista duqeymaha ayaa loo arkaa fursad cusub oo diblomaasiyadeed, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay go’aan ka gaaraan natiijada wada-hadalladaas.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisad xooggan ay ka taagan tahay gobolka, iyadoo Mareykanka horey ugu goodiyay inuu weeraro ka fulin doono goobaha tamarta Iran haddii aysan Tehran wax ka beddelin mowqifkeeda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Putin oo si cad u sheegay inuusan joojineyn taageerada uu siiyo Iran

Dowladda Russia ayaa si adag u beenisay warar sheegaya inay qorsheyneyso...

Shiikh Shariif oo taageeray doorashada uu qabsanayo Laftagareen

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia...

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiraan oo beeniyay inuu wadahadal dhexmaray Trump iyo madaxda Iiraan

Madaxweyne Trump ayaa hadda shaaca ka qaaday  in ay...

Taliyaha ciidamada Haramcad oo gaaray Baraawe

Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil, ciidamo iyo hub dheeraad ah...

Xiisada ka taagan Baabul Mandab iyo Jabuuti oo heegan gelisay ciidankeeda

Dowladda Jabuuti ayaa heegan sare gelisay ciidankeeda badda, iyadoo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles