Wednesday, September 10, 2025

Trump oo magaca ka bedelaya wasaarada Difaaca

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu Jimcaha saxiixi doono amar fulineed oo lagu beddelayo magaca Waaxda Difaaca Mareykanka.

Waaxdan ayaa loo badali doonaa waaxda Waaxda Dagaalka Mareykanka.

Isbeddelkan rasmiga ah wuxuu u baahan doonaa oggolaanshaha aqalka Congress-ka ee Mareykanka, laakiin amar fulineed ayaa u oggolaanaya in Waaxdan Dagaalka loo isticmaalo cinwaan labaad inta laga sugayo oggolaanshaha Congress-ka.

Wareysi uu bixiyay, Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth wuxuu sheegay inay ka tarjumeyso isbeddel ka dhacaya Pentagon-ka oo loo wareegayo hab-dhaqan dagaal oo dheeri ah.

Wuxuu kaloo sheegay in Mareykanku uu ku guuleystay Dagaalkii Koowaad iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyadoo xiligaas waaxda loogu yeerayay Waaxda Dagaalka, ee aan ahayn Waaxda Difaaca.

WARARKII KALE

Wasiir hore Cabdullaahi Carab oo si adag uga horyimid iibinta dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Haji...

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed

Maalin kaddib markii ay Itoobiya si rasmi ah xarigga...

Militeriga Soomaaliya oo dayac tir ku sameeyay Buundada Bariiri iyo Taliye Sahal oo tagay deegaanka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddo kooban ku guuleystay...

Trump iyo Xamaas oo ka wadahadlay weerarkii ay Israaiil ku qaaday Qatar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan “ku faraxsanayn”...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shir looga hadlayey maalgelinta howlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba ee...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles