Monday, January 26, 2026

Trump oo markale digniin u diray dalalka Yurub

Donald Trump ayaa ballan qaaday inuu “boqolkiiba boqol” fulin doono hanjabaaddiisa ah inuu canshuuro ku soo rogi doono dalalka Yurub ee ka horyimaada dalabkiisa ku aaddan inuu la wareego gacan-ku-haynta Greenland.

Xulafada Yurub ayaa si buuxda ugu midoobay difaaca madax-bannaanida Greenland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Denmark ayaa carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha Maraykanku uusan hanjabaad ku gaari karin lahaanshaha dhulka Denmark hoos yimaada ee iskiis u maamula.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Yvette Cooper, ayaa mar kale xaqiijisay mowqifka Boqortooyada Ingiriiska iyadoo sheegtay in mustaqbalka Greenland ay go’aamin karaan “dadka Greenland iyo dadka Denmark oo keliya.”

Isniintii, Trump ma uusan meesha ka saarin isticmaalka awood militari, wuxuuna ku adkaystay inuu sii wadi doono canshuuraha uu ku hanjabay ee lagu soo rogi doono badeecadaha soo gala Maraykanka ee ka imanaya UK iyo toddobo dal oo kale oo xulafada NATO ka tirsan.

Mar ay NBC News wax ka weydiisay in uu adeegsan doono awood militari si uu u qabsado Greenland, Trump ayaa ku jawaabay: “Faallo kama bixinayo.”

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu Boqortooyada Ingiriiska ku soo rogi doono canshuur dhan 10% oo lagu qaadi doono dhammaan badeecadaha loo soo diro Maraykanka laga bilaabo 1-da Febraayo, taas oo u kici doonta 25% laga bilaabo 1-da Juun, ilaa heshiis laga gaadho in Washington ay Greenland ka iibsato Denmark.

Trump ayaa sheegay in isla tallaabadaas lagu dabaqi doono Denmark, Norway, Sweden, Faransiis, Jarmal, Netherlands iyo Finland dhammaantoodna waa xubno ka tirsan isbahaysiga difaaca ee NATO oo la aasaasay sanadkii 1949.

Markii la weydiiyay in uu dhab ahaan fulin doono hanjabaadda canshuuraha, Trump ayaa u sheegay NBC News: “Waan fulinayaa, boqolkiiba boqol.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles