Friday, October 24, 2025

Wadahadalladii Pakistan iyo Afgaanistaan ee Doxa oo heshiis lagu gaaray

Afgaanistaan ​​iyo Pakistan ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin degdeg ah intii lagu jiray wadahadalladii Doha ka dib toddobaad ay socdeen dagaallo ba’an oo xuduuda labada dal ka dhacayey kuwaas oo ahaa rabshadihii ugu xumaa ee labada waddan dhexmara tan iyo markii Taliban ay la wareegeen awoodda Kabul 2021.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegtay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen xabbad joojin degdeg ah ka dib wadahadal nabadeed oo ay Qatar iyo Turkiga ku dhexdhexaadiyeen magaalada Doha.

Xabbad-joojinta u dhaxaysa labada dal ee deriska ah ee koonfurta Aaasiya ‘‘ “waa la dhammeeyey” sida uu bartiisa X, ku sheegay wasiirka difaaca Pakistan Khawaja Muhammad Asif, isagoo sheegay in labada dhinacba ay mar kale ku kulmi doonaan 25 Oktoobar magaalada Istanbul si ay uga wada hadlaan “arrimaha faahfaahsan”.

Pakistan iyo Afghanistan ayaa raadinaya xal horay loogu socdo kadib markii iska horimaadyadii u dhexeeyay ay ku dhinteen dad badan isla markaana ay dhaawaceen boqollaal kale. Wadahadallada waxaa hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, iyo dhiggiisa Afghanistan, Mullah Muhammad Yaqoob, sida ay sheegeen labada dhinac.

Pakistan waxay ku eedaysay Afgaanistaan ​​inay gabaad siiso mintidiinta, taas oo Kabul ay beenisay. Afgaanistaan ​​ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex ka mid ah ciyaartoydeeda Cricket-ka ay ka mid yihiin kuwa lagu dilay duqaymaha Pakistan, waxayna ka baxday taxanaha ciyaaraha Cricket-ka ee saddexda waddan ee Pakistan iyo Sri Lanka ee bisha soo socota

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shiinaha oo meel mariyay qorshe cusub oo isku filnaansho dhanka tiknooloojiyadda ah

Shiinaha ayaa meelmariyay qorshe shan sano ah oo cusub...

Hogaamiyaha xoogagga RSF ee Sudan oo jeediyay digniin cabsi badan abuurtay

Hoggaamiyaha Ciiddanka Degdegga ah ee Sudan, Jeneral Mohammed Hamdan...

Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo looga hadlay diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland

Madaxweynaha Dowladd goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shuruuc kale oo muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha...

Itoobiya oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn inay dagaal la gasho Eritrea

Ambassador Dina Mufti, oo ah xubin ka tirsan guddiga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles