Saturday, February 21, 2026

Wadahadalladii Pakistan iyo Afgaanistaan ee Doxa oo heshiis lagu gaaray

Afgaanistaan ​​iyo Pakistan ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin degdeg ah intii lagu jiray wadahadalladii Doha ka dib toddobaad ay socdeen dagaallo ba’an oo xuduuda labada dal ka dhacayey kuwaas oo ahaa rabshadihii ugu xumaa ee labada waddan dhexmara tan iyo markii Taliban ay la wareegeen awoodda Kabul 2021.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegtay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen xabbad joojin degdeg ah ka dib wadahadal nabadeed oo ay Qatar iyo Turkiga ku dhexdhexaadiyeen magaalada Doha.

Xabbad-joojinta u dhaxaysa labada dal ee deriska ah ee koonfurta Aaasiya ‘‘ “waa la dhammeeyey” sida uu bartiisa X, ku sheegay wasiirka difaaca Pakistan Khawaja Muhammad Asif, isagoo sheegay in labada dhinacba ay mar kale ku kulmi doonaan 25 Oktoobar magaalada Istanbul si ay uga wada hadlaan “arrimaha faahfaahsan”.

Pakistan iyo Afghanistan ayaa raadinaya xal horay loogu socdo kadib markii iska horimaadyadii u dhexeeyay ay ku dhinteen dad badan isla markaana ay dhaawaceen boqollaal kale. Wadahadallada waxaa hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Muhammad Asif, iyo dhiggiisa Afghanistan, Mullah Muhammad Yaqoob, sida ay sheegeen labada dhinac.

Pakistan waxay ku eedaysay Afgaanistaan ​​inay gabaad siiso mintidiinta, taas oo Kabul ay beenisay. Afgaanistaan ​​ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex ka mid ah ciyaartoydeeda Cricket-ka ay ka mid yihiin kuwa lagu dilay duqaymaha Pakistan, waxayna ka baxday taxanaha ciyaaraha Cricket-ka ee saddexda waddan ee Pakistan iyo Sri Lanka ee bisha soo socota

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta baaqday

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa...

Qarax lagu xiray gaari uu lahaa sarkaal Boolis ah oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya,  Cabdulqaadir...

Trump oo shaaciyay lacagta uu Mareykanka ku bixinayo dibu dhiska Gaza

Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixin doono...

Q.M oo ku baaqay in Tanaasul ay muujiyaan madaxda DFS iyo hoggaanka Mucaaradka

Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay wadahadalladii u dhexeeyay xukuumadda federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles