Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac, ayaa xaqiijiyay in wadahadallo muhiim ah ay socdaan oo u dhexeeya Suuriya iyo Israa’iil, kuwaas oo horumar la taaban karo laga sameeyay. Wadahadalladan ayaa diiradda lagu saarayo heshiis amni oo suuragal ah, kuna dhisan qodobadii lagu soo afjaray dagaalkii 1974.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa toddobaadkii hore magaalada Paris kulan kula yeeshay mas’uuliyiin Israa’iil ah, iyadoo Mareykanka uu dhexdhexaadiye ka ahaa kulankaas.
Diblomaasiyiin reer Galbeed ah ayaa sheegay in kulammadan ay muujinayaan fursad cusub oo dib-u-heshiisiin ah, inkastoo weli caqabado siyaasadeed iyo amni ay ka jiraan labada dhinac.


