Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku qul qulaya Wafuud ka socda dowladda Soomaaliya, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaaanka magaaladaasi,waxaana waddooyinka waaweyn iyo goobaha muhiimka ah lagu arkayo ciidamo kala duwan oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo sugaya amniga madaxda sare ee dalka.
Taliyaha Ciidanka xoogga, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale ayaa degay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.
Xubnahan ayaa waxaa ay horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, kuwaasi oo ku sii jeeda magaalada Baydhabo, si ay u dejiyaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koofur Galbeed.
Imaanshahooda ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, kuwaas oo la filayo inay maanta gaaraan magaalada Baydhabo.
Tallaabooyinkan ayaa muujinaya muhiimadda safarka Madaxweynaha iyo kulamada la filayo in ay ka dhacaan magaalada Baydhabo, oo ah xarun istaraatiiji ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


