Saturday, January 31, 2026

Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho

Wafuud horudhac u ah madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo hordhac u ah booqashada la filayo inay ku yimaadaan caasimadda.

Wafuuddan ayaa la filayaa inay gogol xaar u sameeyaan safarka iyo kulamada ay Muqdisho ku yeelan doonaan madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo la xiriira arrimo siyaasadeed.

Sidoo kale, wafuudda ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo xoojinta midnimada dalka.

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa berri ka dhici doono magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu yahay mid xasaasi ah.

Sidoo kale waxaa Muqdisho soo gaaraya Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyagu ku maqan dalka dibadiisa.

Dood adag ayaa Muqdisho waxaa ay ku dhexmari doontaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Deni, Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka.

Imaanshaha wafuuddan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro is-faham darro iyo kala aragti duwanaansho u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, taas oo ka dhigeysa mid si weyn isha loogu hayo natiijada kulamada ka dhici doono Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Nisa oo sheegtay in howlgal gaar ah oo lagu beegsaday Horjoogeyaal sare ee ka tirsan AS

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal...

Abiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa saaka garoonka...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan dowlad deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku wajahan...

Hindiye oo markale garab istaag u muujisay Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo soo wajahday Dhaqaalo xumo baahsan

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hay’adda ay halis...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles