Monday, June 2, 2025

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo weli ka socda Aadan Yabaal

In ka badan  6 saacadood ayaa weli waxaa uu dagaal culus uu ka socdaa Degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellaha dhexe, kadib markii saaka maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay halkaasi ku qaadeen.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saddex jiho ah ka weerareen degmada Aadan Yabaal, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya uu soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona la soo werinayo xubno badan oo ka tirsan maleeshiyaadka lagu dilay dagaalka, inkastoo tiro koob sax ah aan weli laga helin, maadaama dagaalka uu sii xoogeystay.

Ciidamo gurmad ah ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal, kuwaasi oo ku biiray dagaalka culus ee weli ka socda degmada.

Dowladda Soomaaliya, ayaan wali ka hadlin weerarkan xooggan ee Al Shabaab kusoo qaadeen degmada Aadan Yabaal, waxa uuna weerarkan maanta imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya isku diyaarineysay in weerar ku qaadaan deegaano iyo degmooyin kale oo Al Shabaab heesteen.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinka waa wayn ee saddex sanno ka hor laga xoreeyay Al-shabaab, iyada oo u ahayd saldhigga ugu weyn ee Shabeellaha Dhexe.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen R/wasaare Xamsa iyo MW Jabuuti?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Farmaajo oo ku baaqay in Puntland iyo Jubbaland laga soo qeyb geliyo Shirka uu ku baaqay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo...

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo maanta Kulan ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa...

Madaxweyne Qoor Qoor oo u Jawaabay mucaaradka” Xisbi siyaasadeed furto, dadkiina Aamina”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa...

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn laga fuliyey Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles